Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Ammaanka Magaalada Baydhabo oo aad loo adkeeyay
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:851
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:350
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:770
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:1247
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:456
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
May 01 2008
Ammaanka Magaalada Baydhabo oo aad loo adkeeyay
Written by Ali Moallim   
Thursday, 01 May 2008

Baydhabo, (insidesomalia.org) - Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay saaka, waxaana Magaalada ay saaka ku waabariisatay xaalad bandow ah.

Ciidamada Booliska iyo kuwa Itoobiya ayaa la dhigay Wadooyinka Magaalada oo idil, gaar ahaan kuwa galay Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

Raysal Wasaaraha Soomaliya Nuur Xasan Xuseen ayaa waxaa uu kaqeybgaley kulanka Baarlamaanka, kaasoo su'aalo lagu weydiiyey.

Wararka lagaheleyso Baydhabo ayaa tilmaamaya in Gudoonka Baarlamaanka uu ku wargeliyay Mudanayaasha Baarlamaanka in ay soo xaadiraan shirka saaka oo ah mid aad xasaasi u ah.

Raysal wasaare Nuur Cade ayaa la filayaa in qudbad dheer uu ka jeediyo fadhiga maanta, waxaana uu diirada ku saarayaa wax qabadka Dowladiisa intii ay jirtay.

Mudanayaasha qaar ayaa doonaya in Raysal Wasaaraha Su'aal ka weydiiyaan Ammaanka Dalka iyo deegaanada aanay Dowladda Maamulin oo ay lawereegeen Xoogaga kasoo horjeeda Doaladda.

Sidoo kale waxaa jirey Su'aalooyin ku aadan Ammaanka Caasumada iyo xoogeysiga kooxaha Dawladda ka soo horjeeda oo weerara Xarumaha Ciidamada Dawladda, waxaana laga sugayaa in Raysal Wasaaraha dhamaan Su'aalahaas uu jawaab waafi ah ka bixiyo.

Xildhibanada Baarlamaanka ayaa ku tilmaamaya xaaladaha Dalka ka jirta in ay tahay habacsanaan dhanka Ciidamada oo aan qaarkood heysan wax Mushaaraad ah, taasna ay keeni karto in Ciidamadu sidii la rabay aan howlahooda uga soo bixin.

Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >